A English rendition of this article can be found here.

Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed (USS) waa urur fac weyn oo aan ku soo koobi karin qoraal kani. Runtii waxaa la aasaasay bishii Maajo 1949kii xiligii gumeysiga runtiina wuxuu door weyn ka soo qaatay ilaalinta xaquuqada shaqaalaha Soomaaliyeed in kastoo xiligaasi ay dadweynaha Soomaaliyeed ku jiraan gacan gumeysi.

CabdulKadir Cali Boolaay oo sannadkii 1956 ka waramaayo taariikhda iyo waxqabadka Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed

Haddii aan si kooban u xuso Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed [Sindacato di Lavoratori Somalo] taariikhdu markii ay ahayd July 1955 wuxuu qaban qaabiyey doorashooyin madaxbanaan oo lagu dooranaayey hoggaankii hoggaamin lahaa ururka shaqaalaha weynaha Soomaaliyeed. Nasiib wanaag waxaa doorashadaasi la qabtay si weyn ugu guuleystay: Mudane Ahmed Guure Maamun oo noqday Guddomiyaha Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo aniga oo ah CabdulKadir Cali Bollay oo noqday Xoghayaha Guud ee Ururka. Magacaabida la ii magacaabay in aan noqdo Xoghayaha Guud ka dib waxaan xil weyn iska saaray inaan xal u helo dhibaatooyinka dhabta ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed waqtigaas jiray in aan wax ka qabto. Ilaahay mahadiisi, taasoo aan guulo la taaban karo ka gaaray.

Sidaasi darteed shirkii ugu horeeyey ee uu yeesho Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaay go’aansadeen in shaqalaaha Soomaaliyeed loo sameeyo sharci damaanad qaada xuquuqda shaqaalaha, taasoo baahi weyn loo qabay in la helo sharcii kafaala qaadi kara muwaadinka Soomaaliyeed. Maxaa yeelay shaqaalaha Soomaaliyeed aad iyo aad ayay u dulmanaayeen mana jirin cid oo xuquuqdooda u soo dhicisa. Arrinta sharcigaas oo ku sabsana ururka shaqaalaha waa ku guuleystay, taasina waxay ahayd guul u soo hoyatay ururka shaqaalahweynaha Soomaaliyeed. Waxaana la isku waafaqaay in maamulka dawladda iyo ururka shaqaalaha Soomaaliyeed si wadajir ah ay uga shaqeeyaan si sharcigaasi loo herglin lahaa, arrintaas oo loo arkay in ay dan u tahay muwaadinka Soomaaliyeed ee dulman.

Ururka shaqaalaha Soomaaliyeed oo mar walba u taagan inuu soo dhiciyo xuquuqda muwaadinka waxaan xil weyn iska saaray hirgelinta shircigaasi sidii loo fulin laha, waxaan la kulanay masuuliyiin ka socda maamulka Dawladda iyo loo shaqeeyaha oo dhinac ah iyo ururka shaqaalaha oo dhinaca. Shir 3 geesood ah oo ay wada yeesheen Ururka, masuuliyiin ka socoday Dawladda iyo loo shaqeeyaha waxay isku waafaqeen in la sameeyo heshiis dhowraya xuquuqa shaqaalaha Soomaaliyeed. Ujeeddooyinka heshiiskaasi oo qorayay in shaqaalaha ay helaan xuquuqdooda iyadoo lagu heshiiyey in loo shaqeeyaha (Talyaaniga) uu dhowro qodobadda heshiiskaasi ku qoranaa oo kala sida tan hoos ku qoran:-

1. In shaqaalaha loo kordhin muushaharka;

2. In sanadkii hal mar ay helaan fasax “fasax sanadeed”;

3. In ay helaan goob caafimaad oo lagu daryeelo;

4. In xaquuqda uu yeelan karo marka u da’ noqdo “Pension”.

Bishii Oktoobar 1955kii, Ururka wuxuu heshiiskiisi ugu horeyey la galay Warshadda Sonkorta ee Jowhar, oo xiligaasi magaalada loo yaqiinay Villaggio Duca degli Abruzzi, waxayna caan ku ahayd xagga beeraha gaar ahaan soo saarida qasabka oo laga sameyn jiray sonkorta. Warshadaasi oo ahayd tan ugu weyn xiligaasi waxaan ka shaqeyn jirtay shaqaale fara badan. Ugu dambeyntiina heshiiskaasi la isku waafaqay in shaqaalaha warshaddaasi sonkorta ee Jawhar Snai Piaza loo kordhiyo 30% taasoo ahayd guul u soo hoyatay Ururka.

Bishii November 1955kii, Ururka wuxuu ka qayb galay shirweynaha caalamiga ah oo ay soo qaban qaabisay Ururka Caalamiga ee Isbahaysiga Ganacsiga Xorta ah (ICFTU). Halkaasina ay Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed xubin buuxda ah uga noqotay Ururka ICFTU (International Confederation of Free Trade Unions), kaasoo Ururka Shaqaalaha Soomaliyeed door weyn ka qaatay hirgelinta arrimaha shaqaalaha Soomaaliyeed. Uuurka caalamiga ee isbahaysiga ganacsiga xorta ah (I.C.F.T.U.) wuxuu kaalin weyn oo la taaban karo ka qaatay dhismaha iyo xoojinta shaqaalaha Soomaaliyeed isaga oo mar walba la garab taagnaa taageerada xagga tababarka iyo dhiiragelinta shaqaalaha.

Taariikhdu markii ahayd 10 Janaayo 1956dkii aniga oo matalaya Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan ka qaybgalay shirkii ugu horreeyey oo lagu dhisaayey Ururweynaha Shaqaalaha Afrikaanka (All-African Labour Organazations), shirkaa ay si heer sare u soo qaban qaabisay ICFTU, waxaana lagu qabtay magaaladda Acra ee dalka Ghana. Shirkaas oo ahaa kii ugu horreeyey oo ay yeeshaan Ururada Shaqaalaha Afrika (All-African Labour Organazations), waxaana shirkaasi furay Kwame Nkrumah, oo sannad ka dib noqday Madaxweynaha Ghana. Khudbadiisa furitaanka wuxuu ku guubaabiyey ururadda shaqaalaha Afrika in ay midoowaan oo ay gacmaha is qabtaan, midnimadaasi ayaa door weyn ka qaadan karta horumarinta shaqaalaha Afrika, hal heeskiisuna wuxuu ahaa, “Midnimadda waa xoog aan la jibin karin kala tagidana waa burbur”. Shirkaasi waxaa la soo gabagabeeyey 13 Janaayo 1956 iyaddoo go’aanaddii shirkaasi lagu gaaray waxaa ka mid ahaa:-

1. In la xoojiyo midnimadda ururadda Afrikaana;

2. In la dhaqan-geliyo sharciga ku saabsan hashiisyadda ay wada galeyn Shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha;

3. In la dhiso Urur Guud, Regional African Confederation (RAC), kaasoo loo xilsaaray xalinta mashaakilada shaqaalaaha Afrika.

Ururka ICFTU waxay soo saartay qodobooyin iyo shaciyaddii lagu maamuli lahaa ururkaasi RAC, waxaana lagu heshiiyey in ay xarun u noqoto magaaladda Acra ee dalka Ghana.

Bishii June 1956dii horaanteed, aniga oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo wafdi ka kooban Wakiilka Dawladda Mudane Ciise Ceymooy iyo Afhayenka loo shaqeeyaha Mr. Rafele ahna Wakiilka u fadhiya danaha Talyaaniga oo aniga aan hogaaminaayey waxaan ka qayb-galnay shirkii caalamiga ee 37aad shaqaalaaha adduunka, the International Labour Conference (oo qaban qabiso International Labour Organization, ILO) oo lagu qabtay dalka Switzerland, magaalada Geneva. Shirkaas oo sannad walba la qabta, bisha June muddo laba todobaad ahna socoto. Shirkaasi waxaan uga qayb galnay wakiilo ka kala socoda danaha Dawlada, Shaqaalaha iyo Loo shaqeeyaha, waxaa looga hadlay guud ahaan arrimaha shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha iyo doorka ay ku leedahay dawladdaha.

Intii shirka socday waxaan shirar kala gooni gooni ah la yeeshay wakiiladda ka socday ururada calamiga sida ICFTU iyo CISAL (La Confederazione italiana sindacati autonomi lavoratori) kuwaasoo aan ka wada hadalnay habka iyo nidaamka loogu horumarin lahaa shaqaalaha Soomaaliyeed. Shirkaasi caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka waxaan ka soo jeediyey warbixin balaan oo ku saabsan is bedelka xowliga ah ee ku socda dalka soomaaliya, iyo guulaha la taaban karo uu gaaray shaqaalaha Soomaaliyeed muddadii gaabneed ee uu jiray, waxaana shirka aan ka sheegay in shacabka soomaaliyeed haddii Alle idmo muddo gaaban ka dib ka bixi doonaan gacan ku haynta gumeysiga oo ay heli doonaan xornimo taam ah. Markii uu soo dhamaaday shirkaasi wafuuddii ka socday dalka Talyaaniga ee ururka CISAL waxay noo fidiyeen in aan safar ku tagno xaruntoodda oo ku taala Roma ee dalka Talyaaniga, waana ka ogolaanay martiqaadkii ay si sharafta leh noogu fidiyeen. Ka dib waxaan safar ku tagnay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga gaar ahaan xarunta ururka C.I.S.A.L. “Autonomous Unions Confederation of Italian Workers” halkaasi oo aan kulan la yeelanay Xoghayaha Guud ee ururkaasi, Mudane Pastore, oo ugu hambalyeeyey doorka shaqaalaha Soomaaliyeed ay ka qaataan horumarinta dalka iyo taabagelinta isfurfuridda dhaqaalaha Soomaaliyeed waxaana guud ahaan aan ka wada hadalnay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya danaha labada urur shaqaale ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Bishii 15 June 1957kii, Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed wuxuu martiqaad ka helay Ururka Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organization, ILO), shirka ee sannad walbe qaban qaabiso. Shirkaasi oo soconaayay laba todobaad waxaa laga wada hadlay guud ahaan arrimaha shaqaalaha. Aniga oo wakiil ka ah Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan shirkaasi ka soo jeediyey khudbad oo aan ku soo bandhigay wax qabadka ururka iyo muddada gaaban horurmarka uu ku talaabsaday iyo guud ahaan arrimo ku saabsan shaqaalaha dalkeena. Waxaana ku guuleystay in wakiilkii Talyaaniga ka socday uu ogolaado in la hirgeliyo sharciga shaqaalaha, kaasoo qorayey sida adduunka oo kale in mushaarka shaqaalaha Soomaaliyeed la xadido isla markaasina la kordhiyo sidii kor loogu qaadi lahaa nolasha shaqaalaha Soomaaliyeed loona dhiirogelin lahaa wax soo saarka dalka, taasoo ururka shaqaalaha door weyn ka qaatay, kuna guuleystay in sharcigaasi uu hirgalo. Bishii 15 Luuliyo 1957 ka dib markii aan ka soo laabtay shirkii 38aad ee Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) waxaa durbadiiba masuuliyiintii Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed abaabuleen shirweyne oo lagu qabtay Masraxa (ama Theatreka) la oran jiray Dopolavoro oo kasoo hor jeeday Dugsigii Hoose/Dhexe ee Yaasin Osman.

W/Q: CabdulKadir Cali Boolaay oo horey u soo noqday Xoghayaha Guud Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed.

La soco qeybta labaad.